WARARKII TECHNOLOGY GA U DAMBEEYAY

 Sidee ku ogaan kartaa muuqaallada lagu sameeyo garaadka macmalka ah?


Bogagga warbaahinta bulshada waxa ka buuxa sawirro iyo muuqaallo lagu sameeyay garaadka macmalka ah kuwaas ay adag tahay in mararka qaarkood la kala saaro kuwa saxda ah iyo kuwa kale. Mid ka mid ah siyaabaha lagu garan karo in muuqaal uu been yahay waa in la fiiriyo tayada sawirka.

Waxaa laga yaabaa in lagu jahwareero kalsoonidaada marka aad la kulanto muuqaal been abuur ah. Lixdii bilood ee la soo dhaafay, waxaa kordhay faafitaanka muuqaalada khiyaanada ah.

Marka hore, waxaan eegnaa tayada sawirka," ayuu yiri Hany Farid oo ah bare culuunta kombuyuutarka ka dhiga Jaamacadda California iyo madaxa shirkadda baadhista macluumaadka been-abuurka ah ee GetReal Security.

Laakiin sidoo kale, dadka sameeya muuqaallada AI waxay sii wadi doonaan in ay horumariyaan farsamadooda, sidaas darteed, wakhti dhow ama fog, habkan hadda lagu kala saaro muuqaallada dhabta ah iyo kuwa beenta ah waxa laga yaabaa in isbeddel weyni uu ku dhaco. Arrintani waxay dhici kartaa muddo gaaban gudaheeda ama sanooyinka soo socda.


Comments